Qolobaa CalankeedLirik
(𝄆) Qolobaa calankeedu,
waa ceynoo, (𝄇)
Innaga keenu waa,
Cirkoo kala ee,
aan caadna lahayn,
Ee caashaqaye.
(𝄆) Xiddigyahay caddi waad,
Naa ciidamisee, (𝄇)
Carradaa keligaa
adow curadee,
cadceedda sideeda,
caan noqo ee!
(𝄆) Cashadaad dhalataa
caloosheennee, (𝄇)
Sidii culaygii
cidaad marisee,
Allow ha ku celin,
"Cawooy!" dhahe ee